Xiisadda colaadeed ee ka taagan duleedka Addis ayaa weli taagan iyadoo ay socdaan deedaalada lagu baajinayo in dagaalku uu soo gaadho magaalada Addis Ababa, xarunta Midawga Afrika iyo meesha laga jaangooyo siyaasadda shacabka ka abdan 100-ka malyuun ee Itoobiya ku dhaqan.

Illaa 9 urur oo gudaha Itoobiya ah ayaa wada is bahaysi ka dhan ah Abiy Axmed kaas oo ay ku rabaan in ay ku cadaadiyaan sidii loo dhisi lahaa dawlad ku meel gaadh ah ka hor inta aanay xaaladdu faraha ka bixin.

Khamiistii shalay mar la waraystay afhayeenka Tigraygu wuxuu muujiyay in ay cudud ku gali doonaan Addis Ababa balse ay xeerinayaan baaqyada caalamiga ah, taas oo loo baahanyahay in Abiy uu maqlo, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhankeeda dawladda Itoobiya waxay xustay in dacaayadaha dibadda ka imanaya aanay wiiqi doonin, ciidamadooduna ay ku jiraan dagaal adag.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga