Waa isku day afganbi fashilmay oo ka dhacay Sudan iyadoo laamaha kala duwan ee dawladdu ay ka hortageen, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda Sudan.

Koox askar ayaa saacadihii hore ee salaasada maanta isku dayay in ay la wareegaan qaar ka mid ah xarumaha dawladda oo idaacadda Sudan ay ku jirto.

Dhammaan milatariga dalka aya la sheegay in imika ay ka amar qaadanayaan dawlada ku meel gaadhka ah ee Sudan.

“Wax walba gacanta yaanu ku haynaa. Kacaanka ayaana guusha leh” ayuu yihdi sarkaal sare oo ka tirsan milatariga u arimiya golaha sare ee sudan. Maxamed alFaki Sulaymaan ayaa ugu baaqay shacabka Sudan in ay ilaaliyaan xukunka iyo dawladda imika dhisin.

Ilo xog-ogaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dawladda Sudan ay afganbiga ka war heshay habeenimadii Isniinta, taas oo keentay in ay kasii feejignaadaan.

Goobaha ay rabeen in ay askartu la wareegto ayaa laga hor istaagay, taas oo goor danbe ay ka war heleen in la ogaa isku dayga afgenbi ee ay wadaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga