Warar uu Saab TV helay ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga bartamaha magaalada Gaalkacayo dhanka ay Puntland.

Weerarkan, ayay wararku sheeayaan in ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo ay laba kamid ah ahaayeen ciidankii booliska ahaa ee ku sugnaa saldhigga, iyadoo qofka kalena ay ahayd haweenay shacab ah oo goobta ka ag dhawayd.

Dadkii weerarka gaystay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta, balse booliska ayaa hawlgallo ay sameeyeen dad usoo xidhxidhay, kuwaas oo aan illaa imika faahfaahin laga bixin.

Mar uu ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntlandna wuxuu sheegay inaanay qaraxyadani ahayn kuwo aragagixiso oo aanay gaysan kooxaha Shabaabka iyo Daacish balse ay yihiin kuwo siyaasadeed.

Sida ay sheegeen dadka u dhuun daloola arrimaha ammaanku, ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa soo wanaagsanaa balse maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa batay weerarrada magaaladaas.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga