Warar kala geddisan ayaa laga soo sheegayaa iska hor imaad kooban oo maanta barqadii dhex maray qaar kamid ah ciidamada dawladda Soomaaliya iyo ciidanka Kiiniya kaasi oo ay wararku sheegayaan inuu ku dhexmaray duleedka magaalada Beled-xaawo oo dhacda gobolka Gedo.

Iska hor-imaadka kooban ee dhexmaray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kiiniya, ayaa yimi kadib markii ciidamo Kiiniyaan ahi ay rasaaseeyeen dibad-baxayaal ka cadhaysan, kuwaasi oo ay wararku sheegayaan inay ka dibad-baxayeen dad ay dileen ciidamada araga-gixiso la dagaallanka Kiiniya.

Kadib rasaasaynta ciidanka Kiiniya, waxaa iyana dhankooda ku jawaabay rasaas ciidamada Soomaaliya ee ku sugan halkaasi iyadoo ay wararku intaasi ku darayaan inuu dagaalku socday muddo kooban oo aan illaa hadda la ogoyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Isku dhacan ayaa isku aadaya, iyada oo haatan xiisad xoogan oo ka dhalay tacadiyo la sheegay inay ciidamada Kenya ka geysteen degmada Ceelwaaq ay ka jirto gobolka Gedo, waxaana maanta inta badan ka dhacay degmooyinka gobolkaasi dibad-baxyo ballaaran.

Illaa hadda ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay talisyada ciidamada Soomaaliya iyo Kiiniya, kaasi oo lagaga hadlayo wararka sheegaya dagaalka muddada kooban dhex maray labada ciidan.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga