Shirkii dibu heshiisiinta ee maanta lagu waday inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud, ayaa lagu soo warramayaa inuu maanta dib u dhac ku yimi.

Wararka soo gaadhaya xafiiska warqabadka ee Saab TV, ayaa sheegaya in aan weli la aqoon wakhtiga rasmiga ah ee uu shirku dib u furmi doono.

Madax ka socota dawladda federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo raysal-wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb u jooga furitaanka shirka dibu heshiisiinta Galmudug, dadka kale ee iyana goobta ku sugan waxaa kamid ah madax dhaqameedka iyo waxgaradka beelaha Galmudug.

Dibu dhaca ku yimi shirkan, ayaa lagu soo warramayaa inuu sabab u yahay, shirka ka socda magaalada Hobyo, iyadoo la filayo inay madax dhaqameedku kusoo dhamaadaan magaalada Dhuusamareeb si ay shirkan uga qayb galaan, sida ay warbaahinta Goobjoog news qortay.

Ku Xidhnow Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay oo xaqiiqada ku sal leh

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga