Sida ay sheegayaan warar uu helayo Telefishanka Saab TV, khasaaraha ka dhashay qaraxii loo adeegsaday baabuurka ee xalay ka dhacay Hotel-ka Five Star oo ku yaal koonfurta magaalada Gaalkacayo ee gobolka Mudug, kaasoo ay degenaayeen saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalku, oo ay kamid ahaayeen taliyaha ciidanka dhulka, Sarreeye Guuto C/xamiid Maxamed Dirir iyo sidoo kale taliyaha ciidanka qeybta 21-aad C/casiis Qooje.

Wararka ayaa sheegaya, in gaadhiga qarxay lagu dhuftay gaadhi ay askar saarnaayeen, kaasoo yiillay banaanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Goobjoog oo uu Saab TV soo xiganayo.

Inta la xaqiijiyey 8 qof ayaa qaraxaasi ku geeryooday, waxaana jira dhaawac intaasi ka badan.

Dadka dhintay ayaa isugu jira ciidan iyo shacab ku sugnaa Hoteelka, waxaana sidoo kale jira burbur hantiyeed oo halkaasi ka dhashay.

Ciidanka dowladda ayaa lagu soo waramayaa iney Gaalkacyo ka bilaabeen saaka hawl-gal ammaanka lagu xaqiijinayo, mana jirto faahfaahin kale oo weerarkaasi laga bixiyey.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga