Saddex kamid ah booliska dalka Faransiiska ayaa la toogtay iyadoo la dhaawacay mid kale bartamaha dalka Faransiiska.
Saraakiisha booliska ayaa ka jawaabayay khad soo wacay, markaasi oo ay dhacdaduna ku saabsanayd rabshad qoys maanta oo Arbaca ah gobolka bartamaha Faransiiska ku yaal ee Puy-de-Dome.
Qofka falka gaystay, ayaa ahaa nin da’diisu ahayd 48 jir.
Booliska ayaa gaadhay guriga, wax yar uun kadib saq-dhexe, markaasi oo rasaas lagu furay iyagoo isku dayaya badbaadinta gabadha sida ay qorayaan warbaahinta guduhu.
Ugu horrayntii wuxuu dilay sarkaal ka tirsan booliska, iyadoo uu dhaawacay laba kale, balse mar kale ayuu labadiina dilay sida ay sheegtay xafiiska xeer ilaalintu.
Wararku waxay sheegayaan in gabadhii ahayd dhibanaha rabshadda guriga ka socotay, ay gabbaad ka dhigatay saqafka sare ee guriga, waxaana soo badbaadiyay booliska xaal ay ahayd mid nabad-qabta.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska, ayaa ku warramaysa in uu socdo hawl-gal ka dhan ah qofkii ka dambeeyay weerarka booliska lagu laayay.