Waqooyiga Kuuriya waxay markii ugu horaysay soo bandhigtay hub ay ku sheegtay kan ugu awooda badan dunida.

Xukuumadda Pyongyang ayaa dhoolatus milatari oo ballaadhan ka dhigtay magaalada caasimadda ah, maalmo ka hor inta aanu Joe Biden la wareegin hoggaanka Maraykanka.

Dhoola-tus uu goob joog ka ahaa Kim Jong Un, 37 jirka awooda badan ee isku koobay talada Waqooyiga Kuuriya ayaa lagusoo bandhigay gantaalada rabadhka ah ee biyaha hoostooda mara.

Waa dhoolatus lagusoo gabagabeeyay shir heer sare ahaa oo Kim Jong Un uu iskugu yeedhay golaha sare ee xisbiga u arimiya Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo ka shirayay wax uu Kim ku sheegay xaaladaha qalafsan ee dalkiisu uu wajahay shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Waxa la arkayay gantaalada cusub oo lagusoo deday dahaadh madaw, kuwaa oo xili habeenimo ah lasoo mariyay fagaaraha Kim 2 Sung. isagoo dhoolacadaynaya ayuu salaan siiyay Kim Jong Un.

Khubarada Maraykanka ayaa ku sheegay gantaaladan kuwo ka casrisan kana dhaadheer kuwii ay Kuuriyada Waqooyi hore usoo bandhigi jirtay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga