Dawladda waqooyiga kuuriya ayaa maraykanka ku eedaysay in uu sii wado talaabooyinka qalafsan ee ka dhank ah xili labada waddan ay ku heshiiyeen in wadaxaajoodkii u dhaxeeyay dib loo bilaabo.

Xukuumadda pyongyang waxay qaramada midoobay ka hor muujisay walaaca ay ka qabto wax ay ugu yeedhay cadaawadda aan kala go’a lahayn ee maraykanku uu ku hayo waqooyiga kuuriya. Xili maraykanku uu rabo wadahadal dhex mara labada dawladood oo mawqifyo kala durugsan kala taagan.

Eedaynta waqooyiga kuuriya ayaa imanaysa maalmo kadib markii hogaamiyayaasha labada dhinac ay kulan lama filaan ahaa ku yeesheen xadka u dhaxeeya labada kuuriya, ee milatariga ka caagan.

Inkasta oo ay madaxda labada waddan ku heshiiyeen, in dib loo furo wadaxaajoodkii u dhaxeeyay, hadana khubarada wax falanqaysa ayaa shaki galinaya midho-dhalka wadahadalkooda. Madaama mawqifyadooda iyo xaaladda taaganiba ay ka sal-balaadhantahay sida ay wax u wadaan.

Kuuriyada waqooyi waxay xubnaha ugu muhiimsan ee golaha ammanka qaramada midoobay tustay waraaq ay ka heshay aqalka cad ee looga arimiyo maraykanka.

Waxay sheegtay in aanay is qabanayn hadalada maraykanka iyo ficilada uu kula kacayo dawladda waqooyiga kuuriya.

Xukuumadda pyongyang waxay dalbanaysaa in laga qaado cunaqabtaynta sanadada badan saaran ee curyaamisay dhaqaalaha dalkan ku yaala bariga fog ee qaaradda asia. Balse taa badalkeeda waxa hor yaala go’aamo adag oo ay kow ka tahay in ay burburiso xarumaha ay ku horumariso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga