Waqooyiga Kuuriya waxay canaan u jeedisay dalka Koonfurta Kuuriya oo hore ay uga dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa waaxda kalluumaysiga ee Koonfurta Kuuriya.

Xukuumadda Pyongyang waxay sheegtay in sarkaalkii ay ka dishay dalka Koonfurta Kuuriya ay masuuliyadiisa qaadato Koonfurtu, maadaama ay sameeyeen dayacaad dhanka muwaadiniinteeda ah, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Bil ka hor ayay ciidamada xadka ilaaliya ee Waqooyiga Kuuriya waxay dileen sarkaal ka tirsan waaxda kallumaysiga e Koonfurta Kuuriya, kaas oo xukuumadda Seoul ay ka cadhootay.

Waqooyiga Kuuriya waxay imika dhammaan masuuliyada dilkaas ku eedaynaysaa Koonfurta oo iyaduna sheeganaysa in sarkaalka si ula kac looga dilay.

Koonfurta Kuuriya wali iyadu kamay hadal fallaayinka dilkaas ee kasoo yeedhay jaarkeeda Waqoyiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga