Wafti baladhan oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta  booqasho  ku tagi doona magalada kismayo ee xaruunta maamulka jubaland.

Waftigan matalayaa beesha caalamka ayaa ka koban wakiilka qaramada midobey uu qabilsan arimaha somaaliya iyo xubno kale oo uu ka mid yahay wakiilka midowga yurub ee somaliya .

Tan iyo markii madaxweynaha jubaland dib loo dortay waa markii ugu horeysay ee wafti ka socoda beesha caalamka ay boqasho ku tagaan kismayo

Waftigan uu hogaminaayo  wakiilka qaramada midobey uu qabilsan arimaha somaliya  ayaa ujeedada safarkoodu tahay  in ay  la kulmaan axmed madoobe  si ay gacan uga geeystan in ay isku soo dhaweeyan dawlada fedralka somaliya iyo madaxweynaha jubaland oo baryahanba uu dhexyaalay khilaf xoogani.

Doorashadii dhawaan ka dhacday kismayo ee lagu dortay madaxweyne axmed madoobe ayaa khilaaf siyasadeed ka dhex abuurtay jubaland iyo madaxda fedralka somaliya ,kaas oo ila wakhtigan aan xal loo helin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga