Wafti Xildhibaano Ah Oo Ka Kala Socda Xisbiyadda Mucaaradka Waddanka UK Ayaa Maanta Safar Ku Yimid Somaliland

Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Hargaysa Waftigan Kusoo Dhaweeyay Wasiiro,Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal,Iyo Madax Katirsan Ururada Kala Duwan Ee Ka Jira Somaliland,

Wasiirka Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire Ayaa Sheegay in Ujeedka Xildhibaanadani U Yimdeen Somaliland Uu Yahay is Xogwaraysi,iyo in ay Xogogaal U Ahaadaan Waxyaabaha Ka Jira Somaliland,

Sidoo Kale Mid Kamida Xildhibaanadda Maanta Safarka Ku Yimid Somaliland Ayaa Yidhi, “Waxaanu Ka Kala Soconaa Xisbiyadda Siyaasada Ee Waddanka Uk aadbaanu Ugu Faraxsanahay In aanu Somaliland Nimaadno Run Ahaantii Waa Markii Noogu Horaysay Oo Wafti Ka Kala Socda Xisbiyada Siyaasada Waddanka Britian Ay Booqasho Rasmiya Ku Yimaadan Somaliland Mudada aanu Joogno Somaliland Waxaanu La Kulmi Donaa Xukuumadda Baarlamaanka Iyo Waliba Ururadda Arimaha Bulshada Si aanu U Daraasayno Caqabadaha Hadda Ka Jira Somaliland”

 
Waa Markii Ugu Horaysay Oo Ay Somaliland Safar Ku Yimadaan Wafti Culus Oo Ka Kala Socda Xisbiyadda Siyaasadda Wadanka Uk Iyaga Oo Maalmaha Soo Socda Ku Sugnaan Doona Somaliland Kulamadana La Qaadan Doona Madaxda Ugu Saraysa Dalka Iyo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshadda Somaliland,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga