Magaalada Hargeysa waxa saaka oo Arbaca ah soo gaadhay wefti culus oo ka socda dalka Itoobiya, waxaana hogaaminayay wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ee dalka Itoobiya, Axmed Shide.

Weftiga ayaa garoonka Cigaal kasoo degay, waxaana qaabilay xubno ka tirsan xukuumadda Somaliland. Waxa la filayaa in ay la kulmaan madaxda xukuumadda oo madaxweyne Muuse Biixi uu ugu horeeyo.

Weli lama shaacin ujeedada weftiga dalka Itoobiya, balse socdaalkooda ayaa kusoo beegmaya xili wefti ka socday dalka Masar ay dhawaan yimaadeen magaalada Hargeysa.

Wadamada Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyaha webiga Niil, kaas oo Itoobiya ay dhaam wayn oo biyaha qabta dhisatay waxana diidan Masar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga