Waddooyinka hal-bawlaha ah ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale saaka ay xidheen ciidamada ammaanka ee dawladda Soomaaliya.

Ciidamada Harimacad ayaa xidhay wadada Maka al-Mukarama, isgoyska Jubba illaa Xamar weyne, wadada isku xidha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaber ee labada Buundo iyo wadooyin kale.

Dhammaan waddooyinka la xidhay ayaa muhiim u ah isu socodka magaalada, iyadoo kumanaan shacab ahi ay maalin walba adeegsadaan, saakana laga joojiyay halka waddooyinka qaarna loo ogolaa dadka lugaynaya.

Xukuumadda madaxweyne Farmaajo ayaa ka cabsi qabta banaanbaxyo ay sameeyaan mucaaridka oo ku kacsan xukuumadiisa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga