Amiirka dalka Qatar ayaa sheegay in ay bar bar taagan yihiin sida uu hadalka u dhigay walaalahooda Turkiga, isaga oo ku dhawaaqay maalgashi dhan $ 15 Bilyan oo ay ku sameynayaan Suuqyada iyo Bankiyada dalka Turkiga.

Amiirka ayaa arintan Kaga dhawaaqay kulan magaalada Ankara uu kula yeeshay madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Turkiga ayaa hadda wajahaya go’doomin dhaqaale kaddib xiisad adag oo soo kala dhax-gashay iyaga iyo dowladda Mareykanka.

Amiirka Qatar ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee booqday caasimada dalka Turkiga ee Ankara tan iyo markii uu soo ifbaxay qalalaasaha dhaqaale ee u dhaxeeya dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya labada dowladood Qatar iyo Turkiga.

Amiir Sheikh Tamim ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa in dalkiisu barbar taagan yahay Turkiga oo hadda wajahaya dagaal dhinaca ganacsiga ah oo Kaga imanaya xukuumadda Washington.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga