Magaalada Barakeysan Ee Makkah Ayaa Lagusooo Gabgabeeyay Shir Lagu Taageerayay Dhaqaale Xumida Lasoo Gudbonaatay Boqortooyada Urdun Iyadda Oo Ka Qeyb Galayaashi Shirkaasi Ugu Deeqeen Dalka Urdun Lacag Gaadhaysa 2.5 Bilyan Oo Dollar Oo Lagu Kabayo Dhaqaalaha Dalkaasi.
Lacagtaasi Kaalmada Ah Ee Loo Fidiyay Boqortooyada Urdun Ayaa Ah Mid Ay Wax Kaga Qabanayso Kaabayasha Miisaaniyadeeda Iyo Dhibaatada Kale Dhaqaale Ee Lasoo Gudboonaaday Dalkaasi Carbeed, Waxaana Gaba Gabadii Shirkaasi Afar Geesoodka Ah Ka Qeyb Galay Boqorka Sacuudiga,Boqorka Urdun,Amiirka Kuweyt Iyo Ku Xigeenka Madaxweynaha Imaaraadka Carabra Sheikh Mohamed Bin Zaid.
Gabagabadii Bayaan Shirkaasi Lagasoo Saaray Waxaa Lagu Xusay Xidhiidhka Walaaltinimo Ee Ka Dhaxeeya Dalalkooda Iyo Sida Ay Diyaarka Ugu Yihiin Taageerida Wadamada Kale Ee Carbeed Iyo Guud Ahaanba Kuwa Islaamka Siiba Marka Ay La Soo Gudboonaato Duruuf, Dhaqaale,