Warar Saab TV uu helayo, ayaa sheegaya in illaa 3 masuul oo ka tirsan maamulka Hir-shabeelle lagu dilay waddada u dhexaysa Jawhar iyo Balcad.

Geerida masuuliyiintan, ayaa lagu soo warramayaa inay sababtay miino la dhigay jidka, wararka ayaa sheegaya in khasaare soo gaadhay waarideyeyaashii masuuliyiintan, balse lama oga khasaaraha dhabta ah iyo tirada dhimashada.

Warbaahinta Goobjoog, ayaa qortay in dadka meesha ku dhintay uu kamid ahaa Cabdillaahi Saqaawe oo ahaa guddoomiyihii guddida maaliyadda Shabeellada dhexe, Axmed Sabriye oo hore u soo noqday wasiirkii ganacsiga Hir-shabeelle iyo nin samefale ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Baldoos.

Kala soco wararka kasoo kordha Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karo warar xaqiiqada ku leh iyo barnaamijyo xul ah

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga