Wadamada ku bahoobay ururka G7 ama kooxda 7 ayaa ka hadlay dagaalka ka socda gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalka Itoobiya.

War murtiyeed kasoo baxay gaba gabada shirka ayaa lagu sheegay in la joojiyo dagaalka ka socda Tigrayga oo hore uu u bilaabay raysalwasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, oo dagaal la galay madaxda Tigrayga kuwaas oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan ay is hayeen.

Wadamada G7 waxay cambaareeyeen tacadiyada badan ee ka dhacay gobolka, iyagoo soo jeediyay isla xisaabtan ka dhaca deegaanka iyo cidii ka danbaysay falalka arxan darada ah ee dhacay.

Baaqooda waxa dhanka kale lagu xusay in ciidamada dalka Ereteriya aynuskaga baxaan deegaanada Tigrayga, iyadoo lagusoo waramayo in weli ciidamo Ereteriyaan ahi ay ka dagaalamayaan deegaanada Tigrayga.

Ugu danbayn, wadamada G7 waxay adkeeyeen in gargaarka bini aadamtinimo loo fasaxo dadka qarka u saaran macaluusha iyo kuwa bara kacay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga