Wadamada ugu dhaqaalaha buuran dunidu waxay gaadheen go’aamo ay wax kaga qabanayaan is bedelka cimilada dunida.

Labaatanka waddan ee dhaqaalaha dunida gacanta ku haya loona yaqaano G20 ayaa qayb aka ahaa shir madaxeedkooda oo ka qabsoomay sanadkan magaalada Rome ee caasimadda dalka Takyaaniga.

Kooxda 20 waxay isku raaceen in wadamada horumaray aanay wadamada dhaqaalaha yar ku gacan siinin nooca warshadaha ee dunida sii kululaynaya, balse taa bedelkeeda iyaguna ay ka guuraan wadamada kalana ay ka caawiyaan sidii tamar nadiif ah loo heli lahaa.

Wadamada G20 waxay ka midaysanyihiin in badhtamaha qarniga meesha laga saaro kaarboonka hawada oo la badhxo, si loo yareeyo dhaawaca gaadhaya dahaadhada hawada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga