Shirka Cimilada Dunida ayaa lasoo gabagabeeyay kadib doodo adag oo socday maalmihii lasoo dhaafay kuwaas oo wadamadu aanay u kala kicin.

Warmurtiyeed lagasoo saaray shirka ayaa loogu baaqay dawladaha oo dhan in ay keenaan qorshe ay ku bedelayaan shidaalka wasakhaynaya hawada.

Waxa sidoo kale la isla qaatay in wadamada saboolka ah laga taageero arimaha cimilada maadaama oo aanay dhaqaale buuran oo ay kula tacaalaan aanay haynin.

Dawladaha ayaa sisku raacay in dhammaan la yareeyo imika wixii ka danbeeya gaasta hawada wasakhaysa, iyadoo laga shaqaynayo wixii lagu bedeli lahaa.

Dawladaha qaar ayaa dhaliilsan balse badi wadamada ayaa isku raacay qorshayaasha wax lagaga qabanayo is-bedelka cimilada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga