Wada xaajoodka nabadda ee dalka Libya ayaa lagu soo xidhay magaalada Tunis ee caasimadda dalka Tunisia.

75 ergo oo kala socota dhinacyada ku dagaalamaya talada Libya iyo kooxaha dhexdhexaadinta wada ayaa qayb ka ahaa wada hadalada.

Waxa la filyay in qorshaha dawlad heshiis lagu yahay lagu dhawaaqo kadib wada hadalka, taas oo dhammaadka sanadka danbe la rejaynayay in Libya laga hir galiyo, lana soo afjaro dagaalka sokeeye ee dadka badani ay ku leeā€™deen.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Libya, Stephanie Williams, ayaa xustay in ay aad ugu faraxsantahay wada xaajoodka labada dhinac oo si wanaagsan u dhamaaday sida ay sheegtay. Waxay intaa ku dartay in dhinacyadu ay isla qaateen in ay awooda heshiiyaan doorashooyinka baarlamanka iyo madaxtinimadana si wada jira loo qabto.

Natiijada shirka ma jiro wakhti laysla qaatay in doorasho la qabto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga