Wada hadalka ayaa gaadhay meel xasaasi ah iyadoo dhinacyadu ay is waydaarsadeen eedaymo kulul intii uu socday wada hadalku.

Shiinaha iyo Maraykanka ayaa ku shiraya gobolka Alaska ee dalka Maraykanka, iyagoo ka wada hadlaya arimo badan oo xidhiidhka sii xumaanaya ee labada waddan uu ka mid yahay.

Waa wada hadalkii ugu horeeyay ee xukuumadda Joe Biden ay la gasho dalka Shiinaha tan iyo markii ay qabatay talada Ameerika horraantii sanadkan, bishii January.

Xukuumadda Beijing waxay Washington ku eedaysay in ay wadamada dunida ku dhiirigalinayso in Shiinaha la weeraro, taas oo ay walaac ka muujisay si adagna u diiday. Balse Maraykanka oo ak jaawabaya ayaa sheegay in Shiinuhu uu dhabaha wada hadalka leexinayo.

Maraykanku wuxuu caddeeyay in uu sii wadayo cambaarayntiisa ay ku jirto sida uu Shiinuhu ula dhaqmay Muslimiinta laga tirada badanyahay ee Ughur.

Wada hadalada labada dhinac waxa kala hogaaminaya saraakiisha ugu kala saraysa waaxaha arimaha dibadda ee labada waddan.

Danaha is diidan ee labada waddan ayaa sii kordhaya, iyadoo saamaynta si guud dunida looga dareemay. Kasoo bilow dagaalka ganacsiga illaa arimaha xuquuqda aadanaha.

Xidhiidhka Shiinaha iyo Maraykanka ayaa maraya meeshii ugu xumayd muddo sanado ah, iyadoo dhinacyadu aanay muujin tanaasul.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga