Wadaxaajoodka dhanka nabadda ee dalka Libya ayaa laga cabsi qabaa in uu burburo, kdib weeraro lagu qaaday magaalada Tripoli ee caasimadda dalkan dagaalka sokeeye ku jira.

Dawladda ay aduunyadu aqoonsantahay ee dalka Libya ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxayso wada-hadalkii nabadda ee magaalada Geneva, kaas oo Qaramada Midoobay ay gadhwadeen ka ahayd. Xoogaga mucaaridka ayay ku eedaysay in ay ka danbeeyeen weeraro lagu qaaday dekedda Tripoli.

Weerarada ayaa lala beegsaday dekedda xili ay ku sugnaayeen maraakiib qaadaysay shidaal, waxaana goobta laga daad-gireeyay haamaha shidaalka si aanay khasaare badan u keenin. Rasaas ayay sidoo kale iswaydaarsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa Jen. Khaliifa Xaftar.

Qaramada Midoobay ayaa magaalada Geneva iskugu keentay dhinacyada ku dagaalamaya gudaha Libya, balse waxa muuqata saan-saan yar oo nabadeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga