Wada hadal aan toos ahayn balse loo kala dab qaadayo ayaa u socda madaxda TPLF iyo xukuumadda raysalwasaare Abiy Axmed, sidauu sheegay hogaamiyaha TPLF.

Debretsion Gebre Michael ayaa warbaahinta BBC u sheegay in ay rabaan nabad lagu xaliyo colaadda Itoobiya ka socota, inkasta oo ay tabashooyin qabaan.

Dhanka dawladda, waxa jiray war hore ugasoo baxay oo sheegaya dagaal kale oo ay la galayaan TPLF balse lama oga waxa iska bedelay qorshaha dawladda.

Arimo dhawr ah oo talada iyo dhaqaaluhu ay ugu horeeyaan ayay isku hayaan madaxdaTigryagaiyo sidoo kale xukuumadda federaalka ee Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga