Saaka waxa xarunta xisbiga Waddani oo ku taala bariga magaalada caasimadda ah ee Hargeysa iskusoo baxay qaar ka mid ah taageerayaasha xisbiga oo daba socday baaq uu maalintii shalay ahayd u diray gudoomiyaha xisbigu, Cabdiraxmaan Cirro.

Mudane Cirro ayaa shalay taageerayaasha xisbiga ugu baaqay in ay iskugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si ay ugu kala qaataan wax uu ugu yeedhay go’aamo laga arinsanayo xaaladda dalka.

Gudoomiyaha oo taageerayaasha aan badnayn goor dhawayd la hadlay ayaa u sheegay in ay ilaaliyaan anbadgalyada, isagoo ku baaqay dibad-baxyo kale oo hor leh. Wuxuu taageerayasha xisbiga ee gobolada Somaliland oo dhan ugu yeedhay in ay berri iskugusoo baxaan magaalooyinka oo dhan, si ay u muujiyaan dareekooda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Somaliland waxa ka taagan muran sii xoogaysanaya oo ku aadan doorashooyinka. Muranka imika taagan ayaa ku sal leh xubnaha cusub ee gudida doorashooyinka oo madaxweynaha Somaliland uu kusoo daray xubno muran badan dhaliyay oo uu ka mid yahay wasiir hore oo ka tisan xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Dibadbaxyada mucaaridka waxa diidan xukuumadda iyo ciidanka booliska oo sharci-darro ku tilmaamay balse xisbiga Waddani wuxuu ku adkaysanayaa go’aamadiisa, inkasta oo laga xidhay afhayeenkii xisbiga iyo xoghayihii guud ee xisbiga, oo labadoodaba xalay xabsiga loo taxaabay.

Ciidamo tiro badan ayaa lasoo dhoobay dhammaan wadooyinka gala xarunta xisbiga Waddani oo ku taala degmo uu taageerayaal badan ku haysto xisbigu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga