Magaalada Kismaayo ee xarunta maamul-goboleedka Jubbaland, ayaa waxaa maanta ka dhacday xafladda caleema-saarka madaxwaynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed-madoobe.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba qaadacday natiijada doorashada lagu doortay Mr. Madoobe, iyadoo duulimaadyada Kismaayo tooska u tegi jirayna ku amartay inay Xamar soo maraan.

Gudaha Somaliland oo aan arrimaha Soomaaliya  aan aad layskugu hawlin, ayay xafladda caleemo saarka Madoobe hadal-haynteeda laga dareemay, kadib markii guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xubno kamid ah baarlamaanka Somaliland ay sheegeen inay weftiyo u bixi doonaan Kismaayo, inaksta oo xafladda maanta dhacday aanay cidina ka qayb gelin qolooyinkii hore u sheegay.

Sawirro si wayn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay qofka keliya ee siyaasiga ah ee Somaliland kasocday ee ka qayb-galay caleema-saarka madaxwayne Axmed-madoobe, Maxamed Aadan Ilkacase, agaasimihii hore ee wasaaradda shaqo-gelinta bulshada iyo arrimaha qoyska Somaliland kaasoo xilal badan hore uga soo qabtay Somaliland, ayaa maanta kasoo dhex muuqday caleema-saarka Madaxwayne Madoobe.

Maxamed Aadan Ilkacase, ayaa si wayn uga qayb-qaatay ololihii doorashada ee madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, agaasimaha hore ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa caasimadaha dalalka Itoobiya Addis ababa iyo Kenya ee Nairobi.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga