Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqonaya raysalwasaarihii 20-aad ee Soomaaliya ay yeelato.

Xalay ayuu madaxweyne Farmaajo u magacaabay inuu noqdo wasiirka koobaad ee xukuumadiisa kadib muddo loo dheg taagayay cidda uu soo magacaabi doono madaxweyne Farmaajo oo mucaaradad adag wajahaya, wakhtiga u hadhayna uu gabaabsi yahay.

Raysalwasaare Rooble waa nin ku cusub siyaasadda Soomaaliya, inkasta oo shaqadaa u taalaa ay adagtahay.

Waa 57 jir wax ku bartay Soomaaliya iyo Sweden. Sanadkii 1963 ayuu ku dhashay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Waa injineer dhismaha ku takhasusay, wuxuuna wax ku bartay jaamacaddii umadda Soomaaliyeed, iyo maxadka Royal ee dalka Sweden oo ku qalin jabiyay sanadkii 2000.

Dhawr iyo tobankii sanno ee ugu danbeeyay wuxuu ka shaqaynayay Soomaaliya, isagoo lasoo shaqeeyay hay’adda Qaramada Midoobay ee ILO.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga