Maanta oo Khaamiis ah waxa magaalada Garoowe ee caasimadda u ah maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya ka dhacday doorasho lagu dooranayay gudoomiyaha cusub ee baarlamanka maamulkaas, xili dhawaan xilkii laga qaaday gudoomiyihii hore ee baarlamanka.

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf ayaa ku guulaystay codadka ugu badan isagoo helay 46 cod. Halka ninka la tartamayay wareega labaad oo ahaa xildhibaan Cali Jamaal Cismaan uu helay 17 cod.

Doorashada ayaa ka koobnayd laba wareeg, waxaana wareega koobaad ku hadhay hal xildhibaan oo helay 14 cod.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga