Ururka Midowga Afrika ayaa John Mahama u magacaabay ergayga u qaabilsan arrimaha doorashada iyo siyaasadda Soomaaliya.

Moussa Faki Mahamat, guddoomiyaha ururka ayaa sheegay in Mr. Mahama oo ah madaxwaynihii hore ee dalka Ghana uu qaban doono jagadaasi, isagoo la shaqayn doona beesha caalamka,  iyo saamilayda siyaasadda Soomaaliya kalana shaqayn doona xal-waara u helidda khilaafka dhanka doorashooyinka ee Soomaaliya iyo sidii doorasho looga qaban lahaa Soomaaliya sida ugu dhakhsaha badan uguna suurtagalsan.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa ka codsaday dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku shaqada leh, la shaqaynta ergaygan cusub, waxaana ergayga cusub loo sheegay inuu taageero ka heli doono ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

SAAB TV, barta xogta laga helo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga