Raysalwasaaraha Pakistan wuxuu ka hadlay xaaladda dalka Afkaanistaan iyo xukuumadda kooxda Daalibaan ee imika ka ariminaysa dalkaas.

Imran Khan wuxuu si agar ah u dulistaagay mawqifka dawladda Maraykanka poo uu sheegay in ay khasab tahay in Washington ay aqoonsato xukuumadda cusub ee Afkaanistaan.

Khan wuxuu dawlada Maraykanka ugu baaqay in Afkaanistaan aanay xanibin hantideeda iyo lacagaha kaydka ee baananka Afkaanistaan, taas oo keenaysa qalalaase dhaqaale oo xoogan oo ku habsada Afkaanistaan.

Pakistan waxay aragtaa in dhibaatada dhaqaale iyo tan bini aadamtinimo ee Afkaanistaan ay saamayn toos ah ku leedahay dalkeeda, xiliimikaba ay martigaliso in ka badan 3.5 million oo qaxooti reer Afkaanistaan ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga