Nin ku hubaysan bambo-gacmeed ayaa af-duubtay sarkaal sare oo katirsan booliska dalka Ukraine magaalada Poltava ee bartamaha dalkaasi ku taal.

Boolisku waxay sheegeen, in ninkani uu ka cararay in la xidho kadibna uu ku hanjabay inuu qarxin doono bambada.

Wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha Ukraine, ayaa sheegay in boolisku ku khasbay ninkan inuu is dhiibo isaga oo aan cidna waxba yeelin naftiisana dhibaatayn, balse warar madax-bannaan ayaa sheegay in boolisku damacsanaa qabashada ninkan, kaasi oo rabay inuu la baxsado gaadhi, markii ciidamadu ay hareereeyeenna uu la soo baxay bambo-gacmeed, isagoo ku hanjabay inuu wada dili doono dhammaan booliskii goobta ku sugnaa, naftiisa iyo dadkii ka ag dhawaa.

Wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha Ukraine waxaa uu sheegay, in wada xaajood dheer uu ogolaaday in uu raaco gaadhi ay boolisku siiyeen, balse uu la baxsaday  Korneel booliska ka tirsanaa.

Dhacdadani, ayaa ah tii labaad ee ka dhacda dalkaasi, waxay ahayd uun saddex maalmood kahor, maalintii Salaasadii markii nin hubaysani uu dalkaasi muddo saacado ah afduub ugu haystay 13 qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga