Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sakaa Magaalada Dhuusa-Mareeb Gaysay Ciidamo Ka Tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya

Ciidamada ayaa La sheegay in ay qeyb ka noqon doonaan sugida amniga Goobta uu ka Dhacayo shirka Dib-u- heshiisiinta ee la filayo in uu ka furmo degmada Dhuusa-Mareeb, Balse Wali waxaa jira khilaaf xooggan oo soo kala dhaxgalay maamulka, Ahlu Sunna iyo dowladda dhexe ee federaalka oo la xidhiidha qorshaha qaban-qaabada shirka iyo sugida Amniga.

Ahlusuna ayaa ka digtay qorshaha ay dowlada federaalku ay
Ciidamada ku geynayso Dhuusa-Mareeb,  iyagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadan doonto cawaaqibka ka dhashay ciidamada lagu daabulayo degmada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga