Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waxa saaka kusii jeeda Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre. Waxaana wehelinaya xunbo ka tirsan golaha wasiirada iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta dawlad goboleedka KoonfurGalbeed.

Raysalwasaaraha oo mudooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato dadka deegaanka Xudur, iyo maamulkooda.

Mr. Khayre ayaa u kuur galaya baahiyaha dadka deegaanada Koonfur Galbeed, iyo sidii mashaariic horumarineed loo gaadhsiin lahaa, xili deegaanada qaar dhawaan uun laga saaray ururka alShabab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga