Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta uu ka dego magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Waxa wehelinaya xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka iyo masuuliyiin kale.

Ammaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo la arkayay ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM oo sugaya amaanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isla maanta oo Isniin ah la filayaa in uu soo xidho shirka dib-u-heshiisiinta ee deegaanada Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Dhuusamareeb. Shirka ayaa lagaga tashanayay sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan oo loo dhan yahay. 

Sidoo kale inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu kulamo la qaadan doonaa ergooyinka ka qeyb galayay Shirka,isagoo ka hadli doona cabashooyinka ay qabaan iyo arrimo kale oo khuseeya Galmudug.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga