Wararka uu Saab TV helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 19 qof la dilay halka 70 kalena la dhaawacay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.

Weerarkan, ayaa waxa gaystay nin aan haybtiisa la aqoonsan, dadka geeryooday, ayaa waxaa kamid ahaa saddex boolis ah.

Mudaharaadyada, ayaa ka socday dalkaas, taasoo aakhirkii uu  raysal-wasaariha dalkaasi Caadil Cabdul-mahdi sheegay inuu is casilayo kadib laba bilood oo mudaharaadyo ay socdeen lagaga soo horjeedo xukuumaddiisa.

Goobjoogeyaal, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, inuu ninku weeraray dhisme ay mudaharaadeyaashu ku sugnaayeen, kadibna uu gaadhi ku baxsaday.;

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga