Uganda waxay kordhinaysaa tirada ciidamada boolsika ah ee kajooga gudaha dalka Soomaaliya oo ciidamo kala duwani ay ka joogaan.

Marka la gaadho bisha December, 160 askari oo boolis ah ayaa lagu xoojinayaa ciidamada Uganda ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Uganda.

Ciidamadan ayaa qaatay 6 bilood oo tababar ku saabsan sida ay ula shaqynayaan ciidamada AMISOM, sida lagu xusay war kasoo baxayAMSIOM.

Ciidamada Uganda oo qayb ka noqonaya waax boolis ah oo ka tirsan AMISOM, waxay noqonayaan guutadii tobnaad ee ka socota Uganda ee soo gaadha gudaha Soomaaliya.

Ciidamadii booliska ahaa ee ugu horeeyay waxay dawladda Ugandi keentay Soomaaliya sanadkii 2021, halka ciidamadeeda difaacuna ay Soomaaliya yimaadeen sanadkii 2007.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga