Dedaalo saddex geesood ah ayay bilaabayaan kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Dooxa ee casiimadda dalka yar ee Qatar.

Dalalka Turkiga Ruushka iyo Qatar ayaa raba in xal loo helo siyaasadda cakiran ee dalka Suuriya iyo colaadaha kumanaanka qof galaaftay malaayiinka barakiciyay ee sanadada ka aloosan dalkan mar hodanka ahaa.

Wasiirada arimaha dibadda ee saddexda dal ayaa ku kulmay Doha iyagoo soo jeediyay baahida loo qabo in lagu heshiiyo Suuriya.

Wasiirka arimaha dibada ee Turkiga ayaa sheegay in hadafkooda koobaad uu yahay sidii xal waara loogu heli lahaa Suuriya. Mevlut Cavusoglu wuxuu intaa ku daray in saddexda wadan ay ilaalinayaan madaxbanaanida, midnimada iyo dhulka dalka Suuriya.

Dalka Ruushka ayaa isagu taageero baaxad leh siiya xukuumadda Bashaar alAsad ee dalka Suuriya. Balse labada waddan ee kale ee Turkiga iyo Qatar ayaa iyagu siyaasad ahaan kaso hor jeeda xukuumada Suuriya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga