Madaxweynaha Turkiga ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Warqad uu soo diray madaxweyne Erdogan ayuu ku yidhi:

“Waxaan ku faraxsannahay sida wanaagsan ee ay ugu soo dhamaatay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Soomaaliya 15-kii May 2022. Waxaan u rajaynaynaa in doorashadu ay u noqoto walaalaheena Soomaaliyeed iyo shacabka bariga Afrika oo wadajira, waxaana u hambalyaynaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Turkiga ayaa lagu tiriyaa dawladaha saaxiibka la ahaa xukuumaddii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga