Dawladda Turkiga ayaa ka hadashay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 6 lix qof, kadib markii qarax lala eegtay maqaaaxi lagu cawaynayay.

Ankara ayaa sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso weerarkii ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan Bariire iyo Awdhiigle, kaas oo alShabaab ay la beegsatay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya. Warka kasoo baxay dawladda Turkiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Turkigu uu ka murugaysanyahay weerarkii Muqdisho xalay ka dhacay.

Turkiga ayaa ah saaxiib dhaw oo Soomaaliya ay leedahay isagoo ka gacan siiya arimaha ciidamada, bini aadamnimada, caafimaadka, waxbarashada iyo dhinacyo kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga