Dawladda Turkiga ayaa si degdeg ah uga jawaabtay musiibadii shalay ka dhacday ExC. Afgooye ee magaalada Muqdisho, halkaas oo gaadhi walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu galaaftay nolosha in ka badan 80 qof oo shacab u badnaa.

Diyaarad nooca xamuulka milatariga ah ayaa soo caga dhigatay madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxay siday deeq dawooyin ah iyo tiro dhakhaatiir ah oo caawin doona shaqaalaha cisbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho.

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in daladda Tuyrkigu ay bukaanada culus u qaadi doonto cisbitaalada waddankaas, si loogu soo daaweeyo.

Dawladda Soomaaliya ayaa wada gurmad ay kaalmo ugu fidinayso dadkii wax ku noqday qaraxa, oo ka mid noqonaya kuwii ugu dhimashada badnaa isla markaana ugu xanuunka badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho, maadaama arday badan oo u socotay jaamacadda Bnaadir ay ku jireen dadka dhintay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga