Turkigu wuxuu markii ugu horaysay diyaaradihiisa aan cidi wadin ama drone-ka loo yaqaano keenayaa Afrika, iyagoo markan laga iibinayo dawladaha.

Itoobiya ayuu turkigu qorshaynayaa in uu ka iibiyo diyaaradahiisa la hago ee aan duuliyaha lahayn.

Waa talaabo ay si wayn uga cadhoootay dawladda Masar, lana filayo in ay xumayso xidhiidhka Ankara iyo Qaahira.

Heshiiska Itoobiya lagaga iibinayo diyaaradaha drone-ka waxa iyaduna ku jirta dawlada Marocco oo iyadana laga iibinayo diyaaradahan.

Weli lama oga tirada diyaaradaha iyo sidoo kale dhaqaalaha ku kacaya heshiisyadan.

Diyaaradaha aan cidi wadin ee Turkiga ayaa noqday kuwo wadamo badani ay danaynayaan kadib tijaabooyin badan oo lagu sameeyay iyo dagaalo ay ka qayb qaateen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga