Turkiga ayaa si cad u diiday qorshe xabbad-joojin loogu samaynayo dalka Libya, si loo hakiyo dagaalada u dhaxeeya ciidamada dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay iyo garabka Khaliifa Xaftar.

Xukuumadda Ankara ayaa diiday wax xabbad-joojin ah nooc kasta oo ay noqoto, iyadoo xustay in aanay dani ugu jirin dawladda ay taageerto ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli. Xukuumadda raysalwasaare Faa’is alSiraaj ayuu Turkigu gacan siiyaa si ay uga adkaadaan jeneraalka goostay ee Khaliifa Xaftar.

Mevlut Cavusoglu, wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa tibaaxay in magaalada xeebta ku taala ee Sirte iyo saldhiga ciidamada cirka ee alJufra ay tahay in ay dawladdu gacanta ku dhigto ka hor inta aan la gaadhin heshiis xabbad-joojin ah. Isagoo u waramayay warbaahinta TRT ayuu intaa ku daray in hadii aanay xoogaga Xaftar iskaga bixin deegaanada uu carabaabay, ay khasab noqon doonto in hawl gal milatari ay ku qabsadaan labada deegaan.

Ciidamada Khaliifa Xaftar ayaa dib usii guranayay bilhii lasoo dhaafay kadib markii ay jab kala kulmeen dagaalo ay la galeen ciidamada dawladda oo taageero ka helaya ciidamo Turkigu uu Libya keenay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga