Turkigu wuxuu si cad u diiday in uu ciidamadiisa kal baxo gudaha waddanka Libya ee waqooyiga qaaradda Afrika, halkaas oo ciidamo badani ay ka joogaan.

Warka Turkiga ayaa yimi kadib baaq kasoo baxay Faransiiska kaas oo ahaa in Turkiga iyo wadamada kale ay ciidamadooda kala baxaan dalka Libya.

Madaxweynaha Faransiiska, Emanuel Macron, oo ka hadlayay shir dhexdhexaadin ah oo lagaga hadlayay arimaha Libya kana dhacay Paris, wuxuu ugu baaqay Ruushka iyo Turkiga in ay ciidamada ka jooga Libya si dhakhso ah uga saaraan.

Dawladda Turkiga oo hadalkan ka falcelisay waxay xustay in Faransiisku ku khaldanyahay in qorshe ciiamada lagu saarayo uu miiska keeno.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga