Turkigu wuxuu diniin adag u dray Khaliifa Xaftar, taliyaha gooni u goosadka ah ee Libya.

Xaftar ayaa la sheegay in ciidamadiisu ay qorshaynayeen weerar ka dhan ah ciidamada Turkiga ee ku sugan gudaha dalka Libya.

Wasiirka Difaaca ee xukuumadda Ankara ayaa sheegay in ay xoog kaga jawaabi doonaan hadii wax tallaabo ah uu qaado Xaftar.

“Gacan ku dhiiglaha dilaaga ah ee Xaftar iyo taageerayaashiisu waa in ay ogaadaan in ay la kulmi doonaan cawaaqib aanay mahadin hadii ay beegsadaan ciidamada Turkiga” ayuu yidhi Hulusi Akar  oo ku sugan magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya.

Hadalka wasiirka difaaca ee Turkiga ayaa daba socday hadalo kasoo yeeshay Khaalifa Xaftar oo wacad ku maray in ciidamadiisu ay meesha ka saari doonaan wax uu ku sheegay kuwa soo duulay, isagoo u jeeda ciidamada Turkiga ee Libya ku sugan.

Turkigu wuxuu taaageero laxaad leh siinayaa ciidamada dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee Libya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga