Turkiga iyo Masar waxay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay ee labo geesood ah kadib muddo ay labada waddan ka dhaxaysay xiisad siyaasadeed oo dhinacyo kala duwan leh.

Wada hadalada dhex maray labadan waddan ee sida wayn u xafiiltama ayay ku sheegeen kuwo midho dhal ah, sida lagu xusay war ay si wada jira usoo saareen labada dhinac.

Wefti uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Turkiga, Sedat Onal, ayaa ku sugan magaalad Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halakaas oo wada hadalku uu ka furmay.

War murtiyeedka waxay ku sheegeen in ay ka wada hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda wadamada Libya, Suuriya, Ciraaq iyo guud ahaan Bariga Dhexe oo jabahado kala duwan ay hubeeyaan ama si toos ah dgaalka ugu lug leeyihiin.

Labada dhinac ayaa iskusoo dhawanayay muddooyinkii ugu danbeeyay, iyagoo labaduba caadaadis kala kulmayay dalka Maraykanka, kadib markii uu meesha ka baxay saxiibkoodii ay isku dhawaayeen ee Donald Trump.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga