Ururka gaashaanbuurta NATO ayaa sheegay in wadamada Turkiga iyo Giriigu ay aqbaleen wada hadal xasilooni lagu doonayo oo dhex mara labada dhinac. NATO ayaa isku dayaysa in ay dhexdhexaadiso dhinacyada oo wada dhaqdhaqaaqyo milatari.
Wada xaajood farsamo ayaa la filayaa in ay si wada jira u bilaabaan, si ay uga arinsadaan xiisadda ka dhalatay bariga badda meditarranean-ka oo ay isku hayaan baloogyo shidaal ah oo badda ku yaala, kuwaas oo dal waliba uu sheeganyo.
“Kadib wada hadalkii aan la yeeshay hogaamiyayaasha dalalka Turkiga iyo Giriiga, labada xulafo waxay aqbaleen wada hadal. Si loo damiyo xiisadda milatari ee taagan, loogana fogaado isku-dhacyo” ayaa lagu yidhi war uu soo saaray madaxa gaashaanbuurta NATO.