Militariga dalka Turkiga ayaa soo riday laba kamid ah diyaaradaha dagaalka ee xukuumadda Suuriya kuwaas oo dul-marayay waqooyi-galbeed gobolka Idlib saacado uun kadib markii ciidanka daacadda u ah madaxwaynaha Suuriya Bashaar Al-Assad soo rideen diyaarad nooceedu yahay kuwa aanay cidi wadin oo uu Turkigu lahaa isla gobolkan.

Qoraal lasoo geliyay barta Twitter-ka maalintii Axadda, ayaa wasaaradda difaaca Turkigu ku sheegtay in diyaaraddooda ay soo rideen laba diyaaradood oo uu noocoodu yahay SU -24.  

Wakaallada wararka Suuriya ee SANA ayaa xaqiijisay in diyaaradaha dagaalka dalkooda lagu soo riday gobolka Idlib, balse aanay cidina waxba ku noqon, iyadoo duuliyeyaashii diyaaraduhuna ay ka bedbaadeen kadib markii ay ka goosteen baarashuut, kuwaas oo dhulka ku yimi si nabad-qab ah.

Xaaladda u dhexaysa Suuriya iyo Turkiga, ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii dawladda Suuriya ay xidhay hawada gobolka Idlib, iyadoo masuul katirsan xukuumadda Suuriya uu u sheegay wakaallada wararka ee SANA in diyaaraddii ku xad-gudubta hawada Suuriya lasoo ridi doono.

Ciidamada daacadda u ah madaxwayne Bashaar Al-Asadka Suuriya, kuwaas oo uu taageero Ruushku ayaa soo cusboonaysiiyay dagaalka ay ku doonayaan qabsashada gobolka Idlib, iyagoo iska caabbin xoog lehna kala kulmay kooxaha mucaaradka ee uu Turkey-gu taageero.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga