Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in heshiiskii qaxooti ee sannadkii 2016 kaas oo u dhexeeyay Turkiga iyo midowga Yurub loo baahan yahay in la cusboonaysiiyo, isagoo caddeeyay rejada Ankara ee ah in la gaadho heshiis cusub xilli kasta oo suurtagal ah.

Wareysi ay la yeelatay wakaaladda wararka dawladdu leedahay ee Anadolu ayaa waxaa uu wasiirka arrimaha dibadda Turkigu sheegay Salaasadii in Turkigu diyaar u yahay “shaqo wax ku ool ah” oo ku saabsan arrintaas, isagoo tixgalinaya dedaallada ka socda dalka deriska la ah ee Suuriya halkaas oo weerarro ay dowladdu Suuriya ku qaadday dadkeedu ay ku qasabtay ku dhawaad ​​hal milyan oo qof inay u cararaan dhanka Xadka Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkigu waxa uu sheegay inuu rejo wayn ka qabo in heshiis la gaadhidoono illaa iyo bisha Maaraj 26 markaas oo uu jiro shir madaxeedka EU-da.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, ayaa imanaya kadib markii uu madaxwayne Erdogan uu ka tegay Brussels, kulamo uu la yeeshay madaxda midowga Yurub iyo kuwa NATO, iyada oo aanay jirin shir-jaraa’id oo ay wada qabteen iyo war-murtiyeedyo ay soo wada saareen.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga