Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa soo jeediyay in lugaha laga toogto muhaajiriinta beegsada gudaha Maraykanka, sida lagu sheegay buug ay qoreen laba saxafi oo ka tirsan wargeyska wayn ee The New York Times.

Soo jeedintiisa ayaa ka mid ahayd talooyin badan oo uu qabo in lagu joojin karo qulqulka muhaajiriinta ee xuduudaha koonfureed ee Maraykanka.

Trump ayaa dhawr hab soo bandhigay waxaana ka mid ahayd, in koronto lagu xidho xadka, in darbi lagu xidho, iyo in masas ama yaxaasyo laga shaqaysiiyo la dhigo xadka, si aanay dadku usoo tallaabin.

Saxafiyiinta buuga qortay ayaa waraysi la yeeshay boqolaal madax ah oo qaarkood ay ka agdhwaayeen madaxweynaha, waxaana buugooda lagu magacaabaa Border Wars.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga