Madaxwayne Trump-ka Maraykanka ayaa sheegay inaanu ku faraxsanayn Shiinaha xilli warbaahinta dunidu si wayn iskula dhex qaadayso inuu Shiinuhu ka guulaystay xanuunka Coronavirus.

Madaxwayne Trump waxa uu sheegay in laga yaabo inuu magdhow la xidhiidha xanuunka Coronavirus ka dalbado Shiinaha oo ahayd bartii uu kasoo bilowday fayraskan dunida sida wayn ugu faafay ee Corona, maadaama buu Trump yidhi uu Shiinuhu joojin karay inaanu Fayrsaku ku faafin dunida.

Mar wax laga waydiiyay faallo uu daabacay wargees kasoo baxa dalka Jarmlka, faalladaas oo ahayd in dalwaddda Shiinuhu siiyo Jarmalka magdhow kor u dhaafaya 165 Bilyan oo Dollar, maadaama uu Coronaha Shiinaha kasoo bilaabmay saamayn ku yeeshay dhaqaalaha dalkaas,  ayuu Trump sheegay inaanay iyagu eegayn waxa uu Jarmalku eegayo, balse ay ka fikirayaan qaaban kale.

Madaxwaynaha Maraykanka iyo maamulkiisa, ayaa wajahaya eedaymo culus oo la xidhiidha diyaar garow la’aantooda xanuunka Coronavirus, xilli uu Maraykanku yahay dalkaugu badan dadka uu asiibay Coronuhu, dhimashaduna ugu badan tahay.

Mr. Trump iyo maamulkiisa, ayaa marar badan kula galgashay Shiinaha eedda Coronavirus, xilli ay Beijing ka xanaaqday weedho kasoo baxay sida inuu Coronavirus ku sheego Fayraska Shiinaha.

Balse xukuumadda Shiinaha ayaa si adag uga hadasha hadallada madaxwayne Trump iyagoo ku tilmaamay wax aan caqli gal ahayn waxaana sii xoogaysanaya xiisadda u dhaxaysa labada dal.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga